Wareegga sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo xalay lasoo gunaanaday,natiijada dugsiyada haray iyo kuwa soo baxay

Bossaso,Aug 11 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee ka baxa radio Daljir oo xalay lasoo gabagabeeyay wareegiisa sadexaad ayaa waxaa ku tartamay afar ka mid ah dugsiyada sare ee nasiibka u yeeshay inay usoo gudbaan wareegan.

Tartan aqooneed qiimo badan ayaa xalay dhexmaray afarta dugsi ee barnaamijka ku tartamtay, iyadoona barnaamijka uu u qaybsanaa laba qaybood.

Qaybta koowaad ee barnaamijka oo ay ku baratameen dugsiyada Al-Najah? Bosaso iyo Shaafici Bosaso? ayaa waxaa ay soo bandhigeen tartan si weyn usoo jiitay dhagaysatayaasha barnaamijka.

Dugsiga sare ee Al-najah Bosaso ayaa guushu ku raacday kadib markii uu helay 13-darajjo, halka dugsiga kalle ee Imaamu Nawawi Bosaso uu la yimid sideed darajjo, gudiga ayaa ku dhawaaqay dugsiga Najah inay guusha ku raacday islamarkaana usoo gudbay wareega afaraad.

Qaybta labaad ee barnaamijka oo ay ku baratameen dugsiyada Sheekh Cismaan Qardho iyo Imaamu Nawawi Garowe ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay Imaamu Nawawi Garowe oo helay 11-darajo iyo Sheekh Cismaan Qardho 10-darajjo.

Gudiga barnaamijka ayaa ku dhawaaqay guusha inay raacday dugsiga Imaamu Nawawi Garoowe oo hal derejjo kaga awood roonaaday Sheekh Cismaan Qardho.

Tartanka oo ku jirra isreeb reeb ayaa waxaa dugsigii laga badiyaa uu ka harayaa guud ahaanba barnaamijka, waxaana xiligaan wareegga Semifinalka? usoo gudbay dugsiyada kala ah.

Gambool Garowe, Al-nuur Baran,Al-najah Bosaso iyo Imamu Nawawi.

Caawa ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa isku aadka wareega kama dambaysta ah ee barnaamijka haddii uu Eebbe inoo saamaxo.

Maxamu’d Cabdi Ibraahim

Radio Daljir, Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com