Warbixintii 3aad ee taxanayaashii aan ka diyaarinay kufsigii iyo dilkii Caasho Ilyaas (dhegayso | daawo)

Warbixintii 3aad ee taxanayaashii aan ka diyaarinay kufsigii iyo dilkii Caasho Ilyaas (dhegayso | daawo)

Labadii maalmood ee ugu dambeeyey dhegaystayaal waxaannu idin soo gudbinnay warbixinno la xiriira dilkii iyo falkii foosha xumaa ee lagula kacay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd ardayad 12 jir ah, taasoo maalin caddeey laga meersaday meel aan ka fogayn gurigooda oo Galkacyo ku yaalla, kadibna la helay iyadoo meyd ah, ayna ka muuqdaan jariimooyin lagula kacay, jir dil iyo kufsiba,

Falkaasi oo ahaa mid murugo abuuray, maangalna noqon waayey, Radio Daljir wuxuu ka diyaarshay warbixinno xiriir ah oo aan uga hadlayno foolxumaanta dhacdadaasi iyo dhibihii is dabajoogga ahaa ee Galkacyo ka dhacayey ee kufsiga ahaa.

Warbixintaan oo ah middii 3aad waxaannu uga hadlaynaa sababta gundhigga u ah korarka falalka liita ee kufsiga, waxaana inoo diyaarshay, soona jeedinaya Cabdifitaax Cumar Geeddi.

hoos ka daawo

warbixinadii hore hoos arag

Warbixintii labaad ee taxanayaasha falkii dil iyo kufsi ee Galkacyo ka dhacay.(dhegayso|daawo)

Dawladda Puntland iyo dadaalkeedii wax-ka-qabasho ee falkii kufsi iyo dil ee Galkacyo. Q 1-aad (dhegayso|daawo)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com