Warbixin-Wadahadalada Nabadeed ee Puntland iyo Galmudug uga furmaya Galkacyo.

Galkacyo, Nov 12 2016-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo lafilayo inuu maanta ka furmo shir nabadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ayaa lafilayaa in ay maanta gaaraan wafuud kasocda Qaramada Midoobey, dowladda federalka ah ee Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo maamulada kajira Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ayaa hadda waxaa kusii qulqula, suxufiyiinta kahowlgala magaalada Galkacyo iyadoona ay gaari doonaan madaxda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo siyaabo kala duwan loogu soodhoweeyey magaalada Galkacyo ayaa sheegay in xalwaara laga gaari doono colaada Galkacyo.

Dhammaadkii sanadkii hore ee 2015 ayaa Galkacyo waxaa heshiis ku gaarey maamulada Puntland iyo Galmudug inkasta oo ay markale dib usoo laabtay colaada Galkaco.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisii rasmiga ahaa dhammaaday ayaa dhowaan sheegay in colaada Galkacyo ay tahay mid qarniyo badan soojidhey uusana waxba ka qaban karin, sida hadalkiisa laga dhadhansaday.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com