Farriimaha La Isugu Diro Wararka oo Laga Joojiyey Soomaaliya

Farriimaha La Isugu Diro Wararka oo Laga Joojiyey Soomaaliya

Adeega la isugu diro fariimaha wararka oo ay isticmaalaan Idaacadaha ayaa maanta si rasmi ah looga joojiyay Idaacadaha ku yaalla dalka ee isticmaali jiray Adeegaas.

Adeega fariinta la isugu diro ayaa u kala qeyb sama qeybo badan oo ay ka mid yihiin News Alert, Short Code, My SMS iyo kuwo kale.

News Alert- waa fariiinta Idaacadaha ay dadweynaha ugu diraan wararka deg dega ah, waxaana loo diraa oo keliya dadka iska diiwaan geliya ee bixiya bishiiba Hal Dollar.

Short Code waa fariinta gaaban ee Idaacadaha fariimaha ay ugu diraan dadweynaha, halka My SMS-na ay tahay fariinta halka mar dadka badan loo diro.

Idaacadaha dalka ayaa laga joojiyay dhammaan fariimahan, balse shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Hay’adaha adeega My SMS si caadi ah ayay u isticmaali karaan.

Maamulka Barnaamijkan bixiya ayaa sheegay ujeedada loo joojiyay in ay la xiriirto amar ka soo baxay shirkadda Hormuud oo adeegan iska leh.

Adeega wararka deg dega ah la isugu diro ayaa waxaa la isugu diiwaan geliyaa bishiiba Hal Dollar, Adeega Short Code-ka oo Idaacadaha fariimaha loogu diro ayaa dadka hadii ay diraan waxaa ka go’aya Sentiyaal, balse Adeega kale ee My SMS wax lacag ah kama go’eysa dadka loo dirayo, maadaama shirkadda fariinta soo direysa ay ka go’eyso lacagta.

Idaacadda Risaala FM 102.2-MHZ oo ka mid ah Idaacadaha dira fariinta wararka deg dega ah ayaanan adeegan isticmaalin mudo ku siman Afar maalmood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com