Warbixin: Dabaqyo, tareeno iyo jidad: Addis Ababa oo u ekaatay magaalo Shiine (dhegayso)

Warbixin: Dabaqyo, tareeno iyo jidad: Addis Ababa oo u ekaatay magaalo Shiine (dhegayso)

Addis Ababa tii aad taqaanay ma aha. Gaariyaashu waxa ay dulmarayaan laami siman oo Shiinuhu dhisay. Qalabku dhismuhu waxa uu dul-heehaabayaa hawada sare ee saraha dhaadheer ee Addis Ababa. Sharqanta mashiinada harqaanka iyo makiinadaha sancadu waa kuwo guuxooda laga maqlo warshadaha Shiinuhu dhiseen ee ku dhexyaal dhulka shirkadaha Shiinaha la siiyey. Dalxiisayaasha Shiinuhu waxa ay ka soo dagaan gagidaha diyaaradaha ee hadda la cusbooneysiiyey, oo deedna isla gagidaas loo raaco ama laga raaco tareen cusub oo Shiinuhu dhiseen.

Waxaas oo dhisme ah oo Addis ku yaal, kan ugu caansan waa dhismaha cajiibka ah ee xarunta u ah Ururka Midowga Afrika. Waa dhisme Shiinuhu uu Addis hadiyad ahaan u siiyey sannadkii 2012, waxa uuna ku fadhiyaa qiime dhan $200 milyan USD. Ma jiro dhisme lamid ah oo Itoobiya ku yaal. Laakiin mid baa hubaal ah sida ay tiri Janet Faith oo ka shaqaysa xafiiska warfaafinta ee Ururka Midowga Afrika, ayada oo tiri, “markii hore ma ogeyn in dhismuhu leeyahay sansaan Shiine illaa aan Shiinaha tagay. Mise waaba Shiineys.”

Warbixinta oo si wadajir ah ay u soojeedinaya Maxamed Lakiman iyo Xuseen Xadaari hoos ka dhegayso.

Warbixinta oo maqaal qoran ah hoos ka daalaco.

Dabaqyo, tareeno iyo jidad: Addis Ababa oo u ekaatay magaalo Shiine (sawirro)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com