WARAYSI-Xiisado dagaal oo ka aloosan duleedka degmada Guri-ceel.

Guriceel-July 27 2016–Wararka ka imaanaya Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud Gaar ahaana Nawaaxiga Degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Alshabaab ay dhaqdhaqaayo Ciidan ka bilaabeen Deegaano hoos taga Degmadaasi.  

Dadka ku nool Degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan in ay jirto Cabsi ay qabaan oo ku aadan in Alshabaab ay weerar kusoo qaadaan Gudaha Degmada.  

Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay kulamo la qaateen mid ka mid ah Beelaha Dega Degmada Guriceel, islamarkaana ay kawada hadlayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Gudaha Guriceel. sida uu Warqabadka Radio Mustabal ee Waqooyiga Galgaduud usheegay Mid kamid ah Suxufiyiinta Degmadaasi.  

Mid kamid ah Wariyaasha ka howlgala Gudaha Degmada Guriceel oo xog badan ka haya Dhaqdhaqaaqyada ayaa Radio Daljir uga waramay Xogta uu helayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com