Waraysi: Madaxda Galmudug iyo maamul dhisidda looga fadhiyo (dhegayso)

Waraysi: Madaxda Galmudug iyo maamul dhisidda looga fadhiyo (dhegayso)

Maamulka Galmudug wuxuu ka mid yahay dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa maamulladii curashadoodu dambaysay.

Muddo sannado ah oo maamulka Galmudug uu jiray, wuxuu wehel la ahaa khilaafyo ragaadiyey horayu socdkii maamulkaasi, kuwaasi oo keeenay dib-dhacsanaan dhinacyo badan.

Dhawaan Galmudug waxaa ka dhacday xulid Baarlamaan oo noqonaya midkii labaad ee Galmudug ay yeelato, Baarlamaankaasi oo doortay guddoonkoodii iyo kuxigeennadiisii, waxayna sidoo kale doorteen madaxweynihii iyo kuxigeenkiisii, haddana waxaa loo madlanyahay magacaaboosta xukuumad cusub.

CabdiXaashi muddo dheer ayuu ka soo shaqaynayey Galmudug, wuxuuna soo noqday Mudane Baarlamaan oo midka hadda kuwii ka horreeyey, Wareysi uu siiyey Radio Daljir, ayuu uga hadlaya habdhaqanka looga fadhiyo madaxda Galmudug iyo hannaanka dhisme xukuumadeed ee loo baahanyahay maanta.

Wuxuu Waraysi Gaar ah sinayeey Barnaamijka Talokeen ee kabaxa Radio Daljir

Hoos ka dhegayso.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com