Waraysi: Dooni laga Leeyahay Iiraan oo Burcadbadeed ka Afduubteen Gobolka Gardafu

Waraysi: Dooni laga Leeyahay Iiraan oo Burcadbadeed ka Afduubteen Gobolka Gardafu

Dooni laga lahaa dalka Iiraan ayaa maanta koox burcadbadeed ahi waxa ay ka afduubteen xeebta degmada Baargaal ee gobolka Gardafu.

Guddoomiyaha gobolka Gardafu, Maxamuud Axmed Caynte, ayaa Radio Daljir uga waramay xaalka doonida iyo kooxda afduubatay oo la aaday dhanka deegaanka Xaabo, waxaana uu sheegay in shirkaddii lahayd doonidan ay xiriir la soo sameeyeen Burcadbadeedda ayna u ballanqaadeen lacag dhan $100 kun oo doolar balse ay burcaddu ka madax adaygeen, deedna ay doonta badweynta la aadeen si ay ugu raadsadaan maraakiib kale oo ay soo afduubtaan.

Guddoomiyuhu waxa uu u waramay wariye Xasan Heykal oo ku sugan xarunta Daljir Bosaaso.

Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com