Wararkii ugu dambeyeey ee Qaraxa ismidaaminta ahaa ee Caawa Muqdisho ka dhacay

Qarax caawa lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi ayaa dadkii ku dhintey waxaa ka mid ahaa taliyihii saldhiggaas Axmed Cabdulaahi Baashane iyo qaar kale oo ka mid ah ciidamadi ka howlgalayay saldhigga.

Waxaa sidoo kale ka mid noqday dadkii ku dhintey Gaashaanle Cabdibaasid Maxamuud Cagey oo ahaa taliyihii qeybta Waliyow Cadde ee gobolka Banaadir waxana uu udhintey dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray waxana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidamad Booliska ayaa xirey wadada Maka Al Mukarammah iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka oo la xiriira qaraxan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la geeyay isbitaalada magaalada iyadoo lagu daweynayo halkaas.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com