Wararkii ugu dambeeyey weerarka Hotel Ambasador ee Muqdisho

Muqdisho June 2, 2016 Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa la hardamaya Maleeshiyada shalay galab weerarka ku gashey Hotel Ambasador ee Muqdisho, ka dibna galey qeybaha sare ee Dabaqa Ambasador, waxaana ilaa hadda dhacaysa rasaas iyo qaraxyo waa weyn oo ay adeegsanayaan kooxahan.

Warkii u dambeeyey oo aan hadda 07:29AM ka helnay magaalada Muqdisho wuxuu sheegayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlayo qeybaha sare ee Hotelka, sidaas oo kalena ay ciidamada Amnigu hadda bilaabeen in ay gudaha u galaan qeybaha Hoose iyo dhexe ee hotelka.

Dadka dhintay ilaa hadda tiro sax ah ma jirto cid sheegtay, balse laamaha Caafimaadka ayaa xaqiijinaya geerida in ka badan 15 ruux oo ah dadkii Soomaaliyeed ee deganaa Hotelkan oo shalay galab la weeraray.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com