Wararkii ugu dambeeyey ee weeraradii nabadoonada Caabudwaaq.

Caabudwaaq, Sep 08 2016–Kooxo hubaysan oo aan haybtooda lagaranayn ayaa habeenkii xalay waxa ay weerar ku qaadeen qaybo kamid ah magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ay khasaare gaarsiiyeen dad shacab ah.

Sida la xaqiijiyey 2 Nabadoon oo lagu kala magacaabo Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed Barre Diini ayaa ku dhintay Rasaasta ay  fureen kooxaha hubeysan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad shacab ah.

Dhanka kalena dadka ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa ka mid ah Nabadoon Muuse Geelle oo ka mid ah waxgradka gobolka Galgaduud , iyo sidoo kale  7 qof oo shacab ah oo labo ka mid ah ay dumar yihiin.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com