Wararkii Ugu Dambeeyey ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Yurub

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Yurub

Real Madrid ayaa qorsheyneysa iney u dhaqaaqdo soo xerogalinta weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann xili ciyaareedka soo aadan. (L’Equipe)

Kooxda Marsielle ee dalka faransiiska ayaa dooneysa iney weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud dib ugu celiso horyaalka League 1. (France Football).

Arsenal ayaa diyaar u ah iney dalab ka gudbiso da’yarka xulka qaranka Chile Marcelo Allende kaas oo iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa. (Mirror).

Manchester United ayaa qorsheyneysa iney si aan caadi aheyn ugu dhaqaaqdo Ivan Perisic, balse waxey tartan culus kala kulmi doontaa Chelsea. (La Gazzetta dello Sport).

Inter Milan ayaa dalab u gudbisay tababaraha kooxda As Roma Luciano Spalletti si uu shaqada Inter Milan kaga badalo Stefano Pioli. (SportItalia).

Goolhayaha Colombia David Ospina oo 28-jir ah ayaa doonaya inuu isaga tago Arsenal isagoo ugu biiri kara Fenebrahce lacag dhan 6 Malyan oo Pound. (The Sun)

Ciyaartoyda Arsenal ayaa weyn doona gunooyin dhan 5 Malyan oo Pound hadii ay ku fashilmaan iney usoo baxaan Champions League. (Times)

Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Juventus iyadoo ka dooneysa iney kala soo wareegto da’yarka reer France Kingsley Coman. (Telefoot)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com