HomeUncategorized

Wararkii ugu dambeeyey ee markab lagu haysto xeebaha Caluula.

Caluula, Mar 15 2017-Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa xeebaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland weli kuhaysta markab saliid sidey oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

PUNSAA oo baaq ka soo saartay hanaanka doorashooyinka Puntland ee dhowaan dhacaya (Dhegeyso)
DHAGAYSO:Puntland iyo Midowga Yurub oo wada-furay wajiga Labaad ee Mashruuca waxbarashadu waa IFTIIN
Xildhibaanada Golaha deegaanka Gaalkacyo oo Guddoomiye ku xigeen cusub doortay

Caluula, Mar 15 2017-Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa xeebaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland weli kuhaysta markab saliid sidey oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Kooxdaan ayaa waxaa lasheegay inay kamid yihiin kalluumaysatada deegaanka oo ka carooday jariifka aan loo meeldeyin ee maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ka wadaan xeebaha Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka helayno ayaa sheegaya in mas’uuliyiin katirsan Puntland ay ku wajahan yihiin Caluula si ay ula hadlaan kooxda Markabka haysata.

Xafiiska ladagaalanka burcad badeedda Puntland ayaa horay uga digey in jariifka shisheeye uu dib u soo celin karo falalkii burcad badeedda Soomaalidu ku afduubanayaan maraakiibta xamuulka ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: