Wararkii ugu dambeeyey ee Iskudayga afgembi ee kadhacay Turkiga.

Ankar, July 16 2016-Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay caasimada dalka Turkiga ee Ankara iyadoo diyaaradaha milatariga ay dul haadayaan magaalada.

Ciidamada milatariga dalka Turkiga ayaa sheegay in ay talada dalka la wareegeen si ay u ilaaliyaan nidaamka dimuqraadiga ayna dhowraan xuquuqda aadanaha.

Waxaa la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Miatariga ay dileen 17-sargaal oo katirsan ciidanka booliiska Turkiga.

Taangiyo ayaa lagu jaray wadooyinka gala garoomada diyaaradaha ee Istanbul iyo Ankara, waxaan magalaooyinka Istanbuul iyo Ankara isugusoo baxay dad tagaeersan Madxaweynaha Turkiga kuwaa oo qaarkood Taangiyada isku dhigaya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu ka guuleysan doono wax uu ku tilmaamay kacdoon ay koox yar sameeyeen.

Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay taleefishinka CNN Turk in uu ku soo jeedo magaalada Ankara uuna ka dalbanayo shacabka dalkiisa inay wadooyinka isugu soo baxaan oo ay muujiyaan taageeraooda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com