Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Shirka oo shalay furmay ayaa diirada lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin, amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kasoo qeybgalaan Saaxibada Beesha Caalamka, Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka si ay isku dhaafsadaan aragtiyo ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha doorashooyinka.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo sii aocon doona ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano la xiriira waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay wax ka bedelayaan habraacii ay horay u soo saareen.

Waa maalintii 2aad oo uu shirku galo, waxaana goob joog ka ah Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com