Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Guriceel

Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isku heystaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Badi dadkii kunoola Guriceel ayaa isaga barakacay, halka weli kuwa tirada yar ee ku sugan ay barakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Wararku waxa ay sheegayaan in jugta tiro madaafiic ah laga maqlay duleedka degmada Guriceel gaar ahaan aaga waqooyi ee Degmada Guriceel oo ay isku hor-joogaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kooxda hubeysan ee Ahlusunna.

Dhawaan waxaa fashilmay waan waan laga dhex-waday Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, kuwaas oo ay wadeen Odayaal iyo siyaasiyin kasoo jeeda Galmudug, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan in uu dagaal dhex-maro Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com