Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Shidan iyo Soomaaliland oo dagaalka ku soo biirtay

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhaawacantay sida ay Radio Daljir u sheegeen dadka deegaanka ,kadib dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Shidan ee degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

dagaalka ayaa haatan isku badalay mid u dhexeeya maamulka Soomaalidiidka ah ee Soomaaliland iyo mid kamd ah beelaha dagan Shidan.

Malayshiyaadkii maanta dagaalka la galay beesha dagta deegaanka oo taabacsan maamulka Puntland ayaa waxaa soo hubeeyay maamulka looga taliyo magaalada Hargaisa, kuwaas oo doonaya in ay isku balaariyaan deegaanka oo laga helay macdan aad ufarabad.

Puntland ilaa iyo haatan kama aysan hadlin dagaalkan lagu soo qaaday beelaha dagan deegaanka Shidan ee taageersan mamaulka Puntland.

Maamulka Soomaaliland oo ku mar marsooda in gobolada Sool iyo Sanaag  ay yihiin xuduudkii uu u jeexay Ingiriiska ayaa damacooda waxa uu yahay in ay isku balaariyaan goboladaasi.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com