Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya (Akhiso)

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya  (Akhiso)

Ciidanka dowladda Itoobiya ee howlgalka ka wadda gobolka Tigreeda ayaa shaaciyay Magaalooyin muhiim ah oo saacaddihii lasoo dhaafay ka qabsadeen jamhadda TPLF ka dib markii ciidanka Milatarigu ay xoog kula wareegeen.

Dowladda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Taliyaha ciiddamada cirka, Yilma Mardasa ayaa sheegay in ay ogaadeen islamarkaana burburiyeen goobtii ay Tigreegu gantaalada kasoo riddayeen.

Wuxuuna sheegay in ay xadka Axmaarada ee galbeedka ka qoddeen god 5- Kilomiter ah oo lagu kaydinayay gantaaladan.

Yilma Merdasa ayaa sheegay in ay sannado baddan usii diyaar garoobayeen, wuxuuna xusay in maamulka TPLF xitaa aysan goobtan aqoonin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com