Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay duleedka Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay duleedka Beledweyne

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa saaka ka dhacay degaanka Beerxaani oo kuyaalla Galbeedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degaankaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in muddo ka badan labada saacadood uu socday dagaalka, kaas oo siweyn looga dareemay degaanka.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka,hayeeshee Al-Shabaab ayaa Warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen degaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada muqdisho.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, kaas oo aan weli si faah faahsan oo helin, waxana la filayaa in saacadaha soo socda dowladda Soomaaliya ay Ciidamo u dirto degaanka Beerxaane ee lagu dagaalamay.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com