Site icon Radio Daljir

Wararkii u dambeeyey ee Badbaadada Doonida Bosaso (dhegayso/sawiro)

Waxaa muddo todobaad ah kasocda xeebta magaalada Bosaso gurmad loogu jiro in lagu badbaadiyo dooni ay saarantahay inka badan todobo milyan oo doolar oo ku caariday xeebta Bosaso, kadibna xumaatay.

Doonida oo ka timid wadanka Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa ku caariday meel u dhow dekedda Bosaso, waxaana howlgalka lagu badbaadinayo wada in badan oo ka mid ah bulshada Bosaso.

Maxamed Cabdi Cismaan oo ah guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatada ee Bosaso, kana mid ahaa dadka ku mashquulsan badbaadinta doonida caarisay ayaa radio Daljir uga waramay sida shaqada ay u socoto iyo waxa uga dhiman doonida in la gaaro iyadoo deked macmal ah ay dhismaheeda ka wadaan meel u dhow goobta doonida ay ku caarisay si loo gaaro doonta.

 

Hoos kadhegayso waraysiga

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a82969f07010008015220e0/Guddoomiyaha+Iskaashatada+Kalluumaystada+ee+Bosaso+Maxamed+Cabdi+Cismaan.mp3?_=1

Exit mobile version