Wararkii u dambeeyay shirka Afisyooni iyo Madaxda DFS iyo Dowladd Goboleedyada oo kulmay

Wararkii u dambeeyay shirka Afisyooni iyo Madaxda DFS iyo Dowladd Goboleedyada oo kulmay

Teendhada Afisyooni ee degmada XamarJajab ee gobolka Banaadir waxaa ku shiraya madaxda maamul goboleedyda iyo DFS.

Shirka maanta ayaa noqonaya kii u horreeyay ee ay yeeshaan dhammaan madaxda dowlad Goboleedyada oo wadajir ah, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkii u dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ka furay teendhada Afisyooni 22-kii bishii Maarso ayaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen oo ay qaadaceen.

Shirka maanta waxaa soo qaban qaabisay Beesha Caalamka waxaana looga hadlayo ajandaha shirka soo socda, isla markaana dhinacyada ay isu laab-xaarayaan, si shirka weyn uu jawi iyo is faham ugu bilowdo.

Amniga shirka ayaa laga heshiiyay, waxaana hab maamuuska iyo shirkba isla sugaya koox amniga iyo hab maamuuska qaabilsan oo labada dhinac ka kala socota, sidoo kale AMISOM ayaa qeyb ka ah sugida amniga xarunta uu shirka ka dhacayo.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com