Site icon Radio Daljir

Duqayn ka dhacday Kamsuuma, Jubbada hoose

Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in duqayn diyaaradeed ay ka dhacday deegaanka Kamsuuma, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay duqayntan  in lagu dilay 11- dagaalame oo uu ku jiro masuul kooxda Al-shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab iyo ciidamada Mareykanka oo inta badan duqaymaha noocan oo kalle ah fuliya oo kusaabsan weerarka Kamsuuma.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version