Warar dheraad ah oo ku saabsan Qarixii Muqdisho

Warar dheraad ah oo ku saabsan Qarixii Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax goor dhoweyd ka dhacay agagaarka nawaaxiga Taalada Xaawo Taako, halkaasoo ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda, waxaana qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu markii hore ka yimid dhanka Koontaroolka Wadada Godka Jilacow.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ku dhaawacantay, waxaana laga yaabaa in khasaaraha intaa ka bato.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo waxaa ku yaala maqaayado, goobo ganacsi iyo Hotelka Xaawo Taako.

Labada dhinac ee wadada hormarta waxaa ku yaalla koontaroolo laga ilaaliyo ammaanka, sida Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Milateriga Ilaalada Madaxtooyada iyo Koontaroolka dhanka Wadada Godka Jilacow hormarta oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabadsugida

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana intaa ku dartay inay qarxiyeen mid ka mid ah Koontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada, waxaana horay uga dhacay qaraxyo dhowr ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com