War saxaafadeed: Xoraynta Baydhaba iyo Xudur waa dhamaadka Al-shabaab.

Muqdisho, Feb 23 – Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya waxay ka xureeyeen Magaalada Baydhaba iyo Magaalada Xudur iyo deegaano hoos yimaad, shalay Maleeshiyaadka Al-shabab (Al-qaacida) ee argagixisada ah iyadoon wax iska caabina aysan jirin.

Waxaa farxad leh in Shacabka degan labada magaalo ay ku soo dhaweeyeen ciidamada xureynayay Alalaas, caleemo qoyan, iyo ubax , iyagoo muujinayay farxada ay u qabaan in sadax saneo ka dib ay ka xuroobeen, duleysigii, dhibaatadii iyo rafaadkii ay ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabab.

Waxaa hanbalyo ku aadan guushaan taariikha ah, u diray Ciidmaada Qalabka Sida iyo Ciidamada Itoobiya ee taageerayay , Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, iyo Wasiirka Difaaca, iyagoo tilmaamay in gulufka xureynta uusan halkaa ku hakan doonin oo uu sii socon doono ilaa laga xureeyo dhamaan soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ahna ku simaha wasiirka ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed- SONNA- waxaa ku yiri ?waxay u tahay farxad weyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka labada magaalo iyo degaanada kale ee la xureeyay, ugu danbeyn laga xureeyay duleysigii iyo tacadigii ay ku hayeen argagixisadu, magaalooyinkaas iyo degaanado hoostagama ay ku soo noqdeen gacanta Xukuumadda Soomaaliya?

Wasiirka ayaa intaa ku daray ?iminka waxaa waajib ah in la soo celiyo sharciggii si deg deg ah, mana haboona in laga aargoosto shaqsiyaadka la tuhmayo iney xiriir la lahaayeen Al-shabab xiligii hore waxaa muhima in sharciga la horkeeno, sharciguna sarreeyo, lana dhowro cadaaladda, taasoo ah tilmaamnta ay Xukuumadda Soomaaliya uga duwan tahay Maleeshiyaadka Al-shabab ee Argagixisada ah?

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday ?waxaa u haboon dhalinyarada weli ku jira Al-shabab iney fakaraan iminka intaan waqtiga gabaabsi ku noqon, oo ay ka faa?ideystaan cafiska iyo kaalmada Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed u fidinayaan si ay uga baxaan dhibaatada ay ku dhex jiraan, tiiyoo waqtigu gabaabsi yahay?.

MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia
Tel: +252-50-941 040 | Email: [email protected] http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com