(War-saxaafadeed) Ururka SOMA oo si xun u cambaareeyay Xariga Ahlusunna kula kacday Radio Galgaduud

Warsaxaafadeed

Ururka Midowga Idaacadaha Soomaaliyeed (SOMA) waxay ka xun tahay in ciidamada Maaamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna ay irdaha u laabeen ayna demiyeen Idaacadda Radio Galgaduud ee degmada Guriceel iyagoo isla markaasna halkaasi ay ku qaateen Idaacadii FM-ka iyo qalab kale gaadiid ay wateen.

Midawga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay si buuxda uga cabanaysaa falkaasi oo dhacay habeenimadii Isniinta November 14, 2016; saacadda abaarihii  10:25 daqiiqo loo geystay idaacadda Radio Galgaduud oo ka mid ah idaacadaha ku bahoobay SOMA iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambaysay arintan maadaama aysan jirin wax xiriir ah oo ay maamulka Degmada Guriceel la soo sameyeen Agaasime Cabdifataax Xassan  oo ah m maamulka Radio Galgaduud.

Radio Galgaduud ayaa ah Idaacad madaxbanaan oo xarumo ku leh Guriceel iyo Dhuusomareeb waana idaacad ay si weyn u dhageystaan Wararka iyo Barnaamijyadeeda Bulshada ku nool Magaalooyinkaas.

Midawga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay sidoo kale ay ka xuntahay inaan la tixgelinin heshiis ay hore u gaareen maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusunna iyo Idaacadda Radio  Galgaduud oo ahaa in idaacadda lagu soo wargeliyo haddii ay dhacdo in la tebiyo waxyaabo ay dhibsadaan Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna , isla markaasna loo soo maro wado sharciga oo nabadgelyo ah talaabo kasta oo la qaadayo.

Haddaba, Midawga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay si xushmad leh uga dalbanaysaa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna inay idaacadii FM-ka iyo qalabka kale ciidamada maamulka ay ka qaadeen Radio Galgaduud dib loogu soo celiyo , loona ogolaadao in idaacaddaasi ay sii wadato shaqadeedii adeegga warbaahineed ay bulshada deegaankaasi ay u haysay.

Midawga Warbaahinta  Soomaaliyeed ee SOMA waxay ugu baaqaysaa maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusunna inay tixgeliyaan muhiimadda saxaafadda xorta ah iyo sidii Idaacadaha madax-bannaan loo dhiirrigelin lahaa.

Waxay sidoo kale SOMA ay xusuusinaysaa maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna in mabda’a xorriyadda hadalka iyo cabiraadda ay yihiin kuwo keeni kara horumarka bulshada.

Ugu dambeyntii, bahda SOMA waxay ugu baaqaysaa maamulka Gobolada  Dhexe ee Ahlusunna inay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa oo aysan dib u soo noqonin falalka noocaasi  oo kale ah taasoo wax weyn u dhimi karta gaar ahaan sumcadda maamulkaasi Gobolada Dhexe ee Ahlusunna  iyo tan dalka Soomaaliya guud ahaan. 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com