War Saxaafadeed ? Soomaaliya oo qaadaneysa dastuur cusub.

Republic of Somalia
Transitional Federal Government Ministry of Information Posts & Telecommunications
Communication office

Warsaxafadeed 47/2012

Muqdisho, April 25 – Maanta waa maalin taariikhi ah oo bilow u ah dhameytirka howlihii Dastuuriga ahaa ee Xukuumadda Soomaaliya hormuudka ka ahayd.

Wasaarada Arimaha Dastuurka iyo Dibu-heshiisiinta ayaa soo bandhigtay qorshe la isugu keenayo odayaal dhaqameedyada, taas oo kor ka eegi doonta hanaanka lagu dooranayo xubnaha ka qeyb galeysa ansixinta dastuur cusub.

Howlaha dastuur-sameynta halka ay marayaan:

? Boqolkiiba Lixdan iyo Shan (65%) Issimadu waxay ku sugan yihiin Muqdisho, oo ah xarunta Shirka Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.

? Xukuumaddu waxay diyaarisay oo cayimtay Liiskii iyo Degaamada Issimada dhiman ku sugan yihiin iyo qaabkii looga soo qaadi lahaa.

? Xukuumaddu waxay bilowday suggidda amniga, diyaarinta iyo kormeerada Xarumaha Martigelinta iyo Shirarka.

? Beesha Caalamka waxaan ugu baaqyenaa in ay dedejiyaan, fuliyaana balanqaadkii dhaqaale ee ay ugu talo galeen shirarka Dastuuriga ah.

Majiro dhaqaale naga soo gaaray Beesha Caalamka wakhtigan xaadirka ah.

? Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay taageeraan kuna soo dhoweeyaan niyad sami Shirarka Dastuuriga ah.

? Shirku wuxuu u furmayaa si dhaqso ah; markii ay soo dhameystirmaan Issimada, Wabarada iyo Boqor ada Soomaaliyeed oo la filayo in ay ku soo dhameytirmaan maalmaha soo socda.

Dowladda waxay ku boorineysaa ergada ka imaan doonta dalka oo idil in
ay muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo taas oo ay ku xaqiijinayaan soo
af-jarida mududa ku-meel-gaarka ee ku eg August 20, 2012.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com