War saxaafadeed – R/Wasaare Gaas oo kormeeray jiida hore ee ciidanka ee Dayniile, Muqdisho.

Muqdisho, April 21 – Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay jiida hore ee dhufeesyada degmada Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ra?iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Mudane Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Hay?adda Nabadsugidda Qaranka Mudane Fiqi iyo saraakiil kale.

Waxaa Ra?iisul Wasaaruhu halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Diini iyo abaanduulaha ciidnak Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dhagabadan iyo Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM, waxaa warbixin ka siiyay taliye ku xigeenka AMISOM isla maraana sheegay in wakhti aan fogayn la wareegi doonaan Afgooye iyo Ceelasha Biyaha ciidankii howshaa qaban lahaana ay hadda diyaar ku yihiin halkaan.

Sidoo kale waxaa warbixino laga dhagaystay taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Diini isagoo xusay in ciidanku ay ku shaqeeyaan daruufo adag isla markaana u babacdhigeen codawga iyagoo ka saaray goobo badan haddana ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dalkooda iyo diintooda, waxaa kale oo uu xusay Generalka in lasoo kordhiyo lana tayeeyo ciidanka qaranka si ay awood ugu helaan inaay hantaan dhamaan amniga dalka.

Warbixinadaas kadib waxaa isna goobtaas ka hadlay wasiirka Gashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise, isagoo tibaaxay in ciidanka Qaranku iska leeyihiin Mudnaanta koowaad dowladuna ku dadaalayso sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo dhamaystiran, wuxuuna mahadcelin balaaran u soo jeedshay ciidanka AMISOM oo lagarab taagaan taageero ciidan.

Dhanka kale waxaa isna goobtaas hadal qiimo badan kajeediyey Ra?iisul wasaaraha XKMG ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u mahadcelieyey ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM.

Ra?iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda islamarkaana ay kala shaqeeyaan nabadda galyada dalka.

Ugu dambeyntii Ra?iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada ugu baaqay iney bixiyaan canshuurta si ciidamada u hurayo naftooda iney ilaaliyaan amaanka dalka loogu siiyo mushaaraadka, Wuxuuna ciidamada ku dhiiri geliyay iney gutaan wajibaadkooda ka saaray dalka iyo dadka.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com