WAR SAXAAFADEED: Iscasilaadda, Xarigga iyo Xorriyad-siinta Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Agaasimihii Hore ee Radio Daljir

22 October 2019

Garoowe, Puntland

WAR SAXAAFADEED RADIO DALJIR

UJEEDDO: Iscasilaadda, Xarigga iyo Xorriyad-siinta Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Agaasimihii Hore ee Radio Daljir

Maamulka Warbaahinta Daljir waxa uu soodhaweynayaa in Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Agaasimihii hore ee Radio Daljir haddana ah suxuufi maddaxbannaan, uu xorriyaddiisa dib-u-helo. Waxaa xusid mudan in Axmed markii horena aan sifo sharciga waafaqsan lagu xirin, haddana mid sarreynta sharciga dhowreysa aan loo marin xorriyad-siintiisa.

Axmed waxa uu Radio Daljir ka shaqeynayey muddo ka badan toban sano, waxa uuna waqtigaas ku caanbaxay shaqo wanaag, karti, hawlkarnimo, hufnaan shakhsiyeed, daacadnimo, waxa uuna ahaa tiir weyn oo kamid ah tiirarka Radio Daljir. Tallman weli lagama hayo war uu tabiyey oo shaki la galiyo, sidoo kale warbaahinta Daljir waligeed lagama baahin war shaki ku jiro. Sidaas darteed,

  • Maamulka Warbaahinta Daljir waxa uu xaqiijinayaa in Axmed Shiikh Maxamed (Tallman) oo shaqada Radio Daljir si lama filaan ah uga tagay 1dii Aktoobar 2019, uusan Daljir matalin wixii maalinkaas ka danbeeyey, hadalka uu maanta sheegayna yahay mid asaga u gaar ah, lidna ku ah isla hadalkii uu Booliska Puntland la qaybsaday uuna Radio Daljir u soo gudbiyey maalin kahor maalinka xabsiga loo taxaabay

Maamulka Radio Daljir waxa waxa uu cambaaraynayaa kana digayaa tallaabooyinka sharciga Puntland baalmarsan iyo hanjabaadaha lala beegsanayo shaqaalaha Daljir. Waxaan kale oo ka digeynaa in ururada saxaafadda Puntland ay sharcidarro garab u noqdaan.

Dowladda Puntland waxaan ayana mar kale ugu baaqaynaa in sarreynta sharcigu yahay biloowga hormarka Puntland, waana tan kaliya oo suurtagalin karta in muwaadin iyo ajnabiba ay Puntland aaminaan.

DHAMMAAD


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com