War saxaafadeed – Ciidanka dawladda Puntland oo sii wada hawlgalladii ay ka fulinayeen Galkacyo.


WAR SAXAAFADEED
02 September 2011

Kooxda Al Shabaab ayaa maanta weerar toos ah kusoo qaaday goobaha ay Ciidamada Amniga ee Dowladda Puntland kaga sugan yihiin Degmada Galkacyo.

Ciidamada Dowladda ayaa iska difaacay weerarkaasi iyadoo ay Ciidamadu ku fideen xaafadaha magaalada Galkacyo, ayna sifeeyeen goobihii ay ka soo duuleen kooxda Al Shabaab.

Dagaalkaan ayaa shalay [1 Sept. 2011] bilawday ka dib markii ay kooxda Al Shabaab xabad ku fureen Ciidamada Amniga oo damacsanaa inay soo xirxiraan koox argagaxiso ah oo barro cayiman ka abaabula dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

Weli lama sugin tirada dhabta ah ee dhaawaca iyo dhimashada labada dhinac, hasayeeshee Ciidamada Dowladda ayaa ilaa haatan soo qabqabtay 22-qof oo ka tirsan kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.

Muddo 4-sanno ah ayaa magaalada Galkacyo waxaa laga waday dilal qorsheysan iyo qaraxyo soo kordhayay oo lagu laayay dad birmogeydo ah oo ka dhashay qabiilada Reer Puntland, waxaana dambiyadaasi laga soo abaabulayay goobo cayiman oo ku yaala xaafada uu dagaalkii shalay ka dhacay iyo xaafada ay Maamulka Galmudug ka degan yihiin degmada Galkacyo.

Waxaa nasiib-darro ah in madaxa Maamulka Galmudug uu waraysi uu siiyay Idaacadda BBC-da uu ka been-sheegay xaalada dhabta ah oo Galkacyo ka jirta, isagoo arrinta la aaday meel aan jirin iyo arrimo qabaa?il.

Qof kasta oo Galkacyo jooga maanta wuxuu ogyahay in kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab ay u baqanayeen dhanka Galmudug, dibna looga soo abaabulay rasaasna looga soo siinayay, halkaasoo lagu daaweenayo dhaawacyada kooxda argagaxisada, sida uu waraysigii BBC-da uga qirtay madaxa Maamulka Galmudug Maxamad Axmed Caalim.

Mr. Caalim marna kama uusan hadlin dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca degmada Galkacyo, iyadoo aysan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhicin xaafadda uu Maamulka Galmudug ka degan yahay degmada Galkacyo.

Dowladda Puntland waxay xaqiijinaysaa in uusan jirin dagaal qabiil, arrintaanna waxaa daliil u ah in 4-xubnood oo lagu dilay dagaalkii maanta kana tirsanaa madaxda kooxda argagaxisada ee Al Shabaab iyo in ka badan 22-maxaabiis oo lagu qabtay dagaalka ay dhalasho ahaan ka soo kala jeedaan gobollada Soomaaliya oo dhan.

Ugu danbeyntii, Dowladda Puntland waxaa mas?uuliyad wayn ka saaran sugidda amniga dalka iyo difaaca dadka waxayna Dowladdu shacabka ugu baaqaysaa in si wanaagsan loola shaqeeyo Ciidamada Amniga oo ku howlan nabadeynta Galkacyo.

Ministry of Security and DDR
Government of Puntland State of Somalia
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net



WAR SAXAAFADEED
01 September 2011

Ciidamada Amniga ee Dowladda Puntland ayaa maanta howlgalo ka fuliyay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Puntland oo xog buuxda ka haya xubno ka mid ah kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab ayaa saakay howlgalo baaris ka fuliyay xaafadaha galbeedka magaalada Galkacyo.

Howlgalkaas ayaa kooxda Al Shabaab khasaare weyn looga gaystay iyadoo xaafadihiina laga saaray.

Dagaalkaan ayaa sababay dhimasho iyo dhawaac intaba, iyadoo ay Ciidamada Amniga ku sugan yihiin xaafadihii dagaalku ka dhacay ayna sii wadi doonaan howlgalada dhan ka ah kooxaha argagaxisada.

Wasaarada Amniga & DDR
Dawlada Puntland ee Somaliya
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com