War degdeg ah: Nabadoon caan ah oo lagu diley Beledweyne.

eledweyne, Nov 27 -? Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu diley nabadoon caan ka ah gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jirey Nabadoon Maxamed Xaaji Xuseen Maryacadde.

Nabadoonka ayaa waxaa la diley maanta gelinkii danbe waxaana la sheegay in gacanta lagu ?dhigay gacan ku dhiiglihii dilka geystey sida uu Radio Daljir u sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.
?
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inay ciidamada amaanku qabteen gacan ku dhiiglihii dilka u geystey nabadonka shrcigana la hor geyn doono sida uu hadalka u dhigay.
?
Nabadoonka maanta la diley ayaa la sheegay in shalay loo doortay gudoomiyaha golaha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.
?
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo kamid ah meelihii ay aadka ugu xooganaayeen Kooxdda Al-shabaab ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu bartilmaameed saday wax ku oolka gobolka, Waxaa magaalada kusugan Ciidamada Dawlada Soomaaliya, Kuwo Ethiopian ah iyo ciidamo ka socda Jabuuti oo ku hawlgala magaca Amisom.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com