War Dag Dag ah: Xog-rasmi ah Qoryihii DF usoo dhiibtay Puntland oo noqday kuwo aan shaqaynaynin.

Garacad, 22, March, 2016 – Xog iyo baaritaan Rasmi ah oo ay Radio Daljir heshay ayaa xaqiijinaya in aysan guud ahaanba shaqaynaynin qoryihii dhawaan DF ay usoo dhiibtay dawladda Puntland, waxaana ka maqan birta ugu muhiimsan qoriga ee loo yaqaano Qarxiyaha.

Saanadda hubka ee ay bixisay dawladda federaalku, una soo dhiibtay Puntland maalmo ka hor ayaa waxaa ugu cuslaa qorayaha AK47-ka loo yaqaanno iyo rasaastooda, qoryahaasi oo tiro ahaan dhammaa 240 qori, hase ahaatee isku baddalay kuwo qabyo oo aan wadan birta ugu muhiimsan qoriga ee dilaaga ama qarxiyaha xabbadda loo yaqaanno, waxaana sidaasi Radio Daljir u xaqiijiyey saraakiil sarsare oo Puntland ah.

Qorayahaasi AK47-ka ah ee aan lahayn qarxiyaha oo ay dawladda federaalku ugu deeqday Puntland, ayaa tiro badan oo ka mid ah si degdeg ah Puntland ugu rartay furimaha dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Alshabaab, iyadoon la ogayn cillad qabkooda, balse inta aysan gaarin goobaha dagaalka, galinna gacmaha ciidanka ayaa Puntland ogaatay qabyo ahaanta qorayahaasi, taasoo keentay in laga joojiyo askartii loo qaybin lahaa, dagaal gali laha maadaama aysan shaqaynayn.

Inkasta oo aysan dawladda Puntland weli si rasmi ah uga hadlin, una shaacin qaribnaanta qoryaha dawladda federaalku siisay, misna warar uu helay Radio Daljir ayaa sheegaya Puntland in ay nasiib darro ku tilmaantay arrinkaasi.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa Puntland in ay xiriir kala samaysay federaalka dhacdadaan, hase ahaatee dawladda federaalku eedda qabyo ahaanta qoryahaasi ay islaga rogtay dawladda Imaaraadka Carabta oo bixiyey qoryahaan sidaasna waxaa noo xaqiiyey ila xog ogaal ah.

Ma cadda tallaabadaani in ay ahayd mid ujeeddo xambaarsan, lana qorsheeyey ku talagalkeeda, iyo in ay ahayd mid si aan ku talagal ahayn u dhacday.

Saanadda ciidan ee ay bixisay dawladda federaalka, ayna ka mid ahaayeen qoryahaan dhiciwaayey ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Puntland ay ku jirto xaalad dagaal oo adag, kadib markii dhawr meelood oo ka mid ah deegaanno xeebeedadeeda ay ka soo degeen cutubyo ciidan oo Alshabaab, isla markaana ay la gashay dagaallo dhawr meelood ka soconayey muddo maalmo.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir, http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com