Waqooyiga Kuuriya oo digniin soo saaratay xilli Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya ay bilaabeen dhoolatus Militari.

Pyongyang,Feb 27 – Ciidamo ka kala socda dalalka Maraykanka iyo koonfurta Kuuriya ayaa gacanka Kuuriya ka bilaabay dhoolatus Militeri,iyadoo ay soo baxayaan digniinaha ka imnaya dowladda waqooyiga Kuuriya.

Dhoolatuskan oo ah mid sanadle ah ayaa kor u qaaday xiisadda ka jirta gacanka Kuuriya oo farsamo ahaan dagaal ku jiray in ka badan nus qarni.
Asbuucan gudihiisa ayaa sidoo kale labadan dal ee Maraykanka iyo waqooyiga Kuuriya qabanqaabinayaan dhoolatus kale oo militari.

Jamhuuriyadda hantiwadaaga ah ee waqooyiga Kuuriya ayaa dhoolatuskan Militari ku tilmaantay xadgudub aan qiil lahayn ,waxana ay wacad ku martay in ay gelayso ?dagaal muqadas ah?.

Warbaahinta waqooyiga Kuuriya ayaa soo tebisay dhanbaalka dowladda Kuuriya ee ku aadan dhoolatuskan Militari , waxana waqooyiga Kuuriya sheegtay in ay ka aargudandoonto haddi dhibic biyo ah ay ku soo dhacdo xuduud-badeedkeeda.

Dhoolatuskaan Militari ayaa la sheegay in uu ka duwanyahay kuwii hore ee lagu qabanjiray gacanka Kuuriya, waxana la tilmaamayaa in laga yaabo in dagaal ka hortag ah lagu qaado waqooyiga Kuuriya.

Koonfur Kuuriya ayaa dhinaceeda sheegtay in dhoolatuskaan Militari uu yahay mid caadi ah oo ay ka qaybqaadanayaan 2,000 oo askari oo maraykan ah oo 800 ay ka yimaadeen saldhigyo ka baxsan Koonfur Kuuriya.

Militariga Maryakanka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidanka waqooyiga Kuuriya lagu wargeliyey dhoolatuskan militeri ,islamarkaana ay jiraan kormeerayaal ka socda wadamo kale oo xaqiijinaya in aan lagu xadgudbin heshiishkii lagu soo afjaray dagaalkii Kuuriya ee sanadihii horaantii kontameeyadii.

Axadii shalaytoole hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa booqday Militeriga ku sugan jiidda hore oo sanadkii 20210kii duqeeyey jaziirada xeebaha galbeed ee Koonfur Kuuriya ku taalla ee Yeonpyeong .

4 qof oo u dhshay koonfur Kuuriya ayaa ku dhintay weerarkii waqooyiga Kuuriya ee sanadkii 2010kii.

Marka la eego warbaahinta Waqooyiga Kuuriya , hogaamiyaha dalkaasi , Mr Kim ayaa balanqaaday in si xoog badan looga aarudandoono haddii dhulka waqooyiga Kuuriya lagu xadgudbo.

Abdirashid Musse
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com