Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujiyeen bixitaanka ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in hadii ciidamada Amisom ay ka baxaan gobolka Sh/dhexe degmooyin farabadan oo gobolka katirsan ay gacanta ugali doonaan Al-shabaab .
waxa uu sheegay Guddoomiyaha in shacab farabadan oo ku nool deegaanada Cadale iyo Raage Ceelle ay cabsi xoogan ka qabaan Argagixisada Al-shabaab .
Ciidamo gaaraya ilaa iyo kun Askari ayaa la qorsheeyay in ay isaga baxaan gobolkaasi dhamaadka bishan.
Dhigaal Cusub
« Wasiir Cawad: Kulamada goonigoonida ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal dalal Afrika (dhegayso)
« Wasiir Cawad: Kulamada goonigoonida ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal dalal Afrika (dhegayso)
Dhigaal Duug ah
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada (Sawiro) »
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada (Sawiro) »