Walaac laga qabo bixitaanka ciidamada Amisom ee G/Shabeelha dhexe 

Walaac laga qabo bixitaanka ciidamada Amisom ee G/Shabeelha dhexe 

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujiyeen bixitaanka ciidamada Amisom ee  nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in hadii ciidamada Amisom ay ka baxaan gobolka Sh/dhexe degmooyin farabadan oo gobolka katirsan ay gacanta ugali doonaan Al-shabaab .

waxa uu sheegay Guddoomiyaha in shacab farabadan oo ku nool deegaanada Cadale iyo Raage Ceelle ay cabsi xoogan ka qabaan Argagixisada Al-shabaab .

Ciidamo gaaraya ilaa iyo kun Askari ayaa la qorsheeyay in ay isaga baxaan gobolkaasi dhamaadka bishan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com