Wakiilka QM oo gaaray Baydhabo kulamana bilaabay

Wakiilka QM oo gaaray Baydhabo kulamana bilaabay

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha Akyaa pobee iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Waxaana Shir la yeesheen Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Shirka oo looga hadlaayey Dardar gelinta Dooraashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo dooraneyo Koonfur Galbeed Waxaana Warbixin kusaabsan Diyaargarowga Doorashada laga dhageystey Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ( SEIT) Mudane Nuuridiin Ibrahim Aadan wuxuuna uu sheegey in ay Si wanaagsan ay ugu diyaar garoobeen Qabashada Doorashada.

Dhanka kale Wafdiga ayaa waxaa ay booqdeen Goobaha loo qorsheeyey in lagu Qabto Doorashada , iyagoona Bogaadiyey Diyaar garowga Wanaagsan ay ugu jirto Koonfur Galbeed Qabashadeeda Doorashada.

Shirka ayaa Waxaa qeyb ka ahaa ,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Qaar ka Mid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha KGS , iyo Xubno ka tirsan Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com