Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicolas Haysom oo shaqadii la wareegay

Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicolas Haysom oo shaqadii la wareegay

Wakiilka cusub QM ee Soomaaliya Nicolas Haysom ayaa la wareegay xafiiska howlgalka QM ee Soomaaliya oo tan iyo bishii November 2015kii uu madax ka ahaa Micheal Keating oo u dhashay dalka UK.

 

Nicolas Haysom oo dhalashiisu tahay dalka Koonfur Afrika ayaa kasoo shaqeeyey dalalka Burundi, Koonfurta Suudaan, Afgaanistaan, waxaana uu bartay sharciga iyo maamul wanaagga oo uu kusoo qaatay jaamacado ku yaala Ingiriiska iyo dalkiisa Koonfur Afrika.

Haysom ayaa la wareegay xafiiskan oo door wayn ku leh siyaasadda iyo barnaamijyada QM ee Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • HAMBALYO MICHEAL CHEATING I HOPE TO CELEBRATING ALL OF SOMALIA /SOMALI PEOPLE and I say welcome New QRM chief After congratualition I request to Responsipility And Goverment of Somalia Demoqrandance President of Somalia Mohamed Abdulahi Farmajo to integrity of Soldier Somalia /and move Amisom byye

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com