Site icon Radio Daljir

Wafuud ka socota Sucuudiga iyo Jabuuti oo gaaray Garoowe (dhegayso)

Wafdi uu hoggaaminayo u qaybsanaha arrimaha diinta safaaradda waddanka Sucuudiga ee Jabuuti, Cabdirabul Xakamii, ayaa waxaa ay soo gaareen Magaaladda Garoowe, halkaas oo ay kulamo kula qaateen wasiirro, xildhibaanno, iyo Culima’udiinka magaalada.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa la sheegay inuu ahaa siddii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Wasaaradda Arrimaha Diinta ee dawladdaha Islaamka, waxa ayna sidoo kale 80 xirmo oo kitaabo ah ay ku wareejiyeen Jaamacaddaha Magaaladda Garoowe, kuwaas oo Sacuudigu ugu deeqday dawladda Puntland.

Axmed Sheekeeye ayaa warbixintaan ka soo diray Garoowe.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5aa15eef030100099c3a988e/Warbixinta+U+qayb-samaha+Arrimaha+diinta+safaaradda+waddanka+sucuudiga+ee+Jabuuti+oo+soo+gaaray+Puntland+By+Axmed+Sheeekeeeye+.mp3?_=1
Exit mobile version