Waftigii Ra’iisul Wasaare Cumar oo Cadaado ku hoydey iyo wadahadladii oo meel kulul maraya.

Cadaado, Oct 14 2016–Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen madaxda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wafdig uu hogaaminayo Raiusl wasaraha soomaliya wuxuuna dhinac kale sheegay in galmudug ay soo dhaweyso dadaalada nabadeed uu wado cumar cabdirashiid uu ku doonayo in uu ku xaliyo xiisad ka taagan gaalkacyo.

Dhinac kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ark  aya sheegay in ujeedka socdaalkiis ay tahay soo afjarida qilaafka u dhaxeya madaxda galmudug iyo puntland oo salka ku haysa dagaalka ka jira galkacyo.

Ra’iisul wasaaraha oo lafilayey inuu caawa usoo gudbo dhanka Puntland ayaa waxa uu ku hoyanayaa Cadaado, waxaana laysku mariwaayey arrimo laxiriira dagaalka magaalada Galkacyo.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com