Waftiga Jabuuti uga qayb galaya shirka wadatashiga dastuurka Somaliya oo booqday xarumo ku yaal Garowe.

Garowe, Feb, 2012 ? Wafuud uu hoggaaminayo madaxwayne kuxiggeenka dawladda Puntland General C/samad Cali Shire kana koobnaa xubno sare oo uu horkacayay wasiirka arrimaha diinta iyo aw-qaafta jamhuuriyadda Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa maantay kormeeray goobo u badan xarumaha dawladda oo ku yaala magaalada Garowe.

Waftiga ayaa meelihii ay maantay booqdeen waxaa ka mid ahaa wasaaradda waxbarashada dawladda Puntland, wasaaradda arrimaha guddaha dawladdaha hoose iyo hormarinta reer-miyaha Puntland, Isbitaalka, iyo xarumo kale oo ka tirsan goobaha dawladda.

Dhammaan goobihii ay booqdeen wafuudaan waxaa laga siiyay warbixinno ka turjumaya wax-qabadyada xukuumadda iyo hormarka ay ku tillaabsadeen hay?adaha dawladda, iyadoo wafuudu ay tilmaameen inay maqsuud ka yihiin sida Puntland ay dhulkeeda u hormarisay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com