Wafti uu hogaaminayo Henry Bellingham, wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Muqdisho, Mar 27 – Wafti uu hogaaminayo wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa safar hawleed ku yimid Muqdisho.

Wasiir Henry Bellingham oo saxaafada la hadlay ayaa ku macneeyey ujeedada safarkiisu in ay tahay sidii looga taakulayn lahaa dawlada Somaliya horuamrka nabada iyo hirgelinta barnaamijka tubta nabada, gaar ahaan hirgelinta dastuurka, iyo dhismaha ergooyinka ansixinta dastuurka.

Wxaa uu kulamo wadatashi iyo xog warran ah la yeeshay Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Mahiga, iyo saraakiil ka tirsan hoggaanka AMISOM.

Waxaa uu amaanay hawlgallada amni ee ciidamada AMISOM ay ka wadaan Muqdisho.

Waxaa uu ka tacsiyeeyey geerida M/weyinhii hore ee dawlada federaalka C/llahi Yusuf.

Waxaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho madaxda sare ee dawlada federaalka ah, ayna ka wada hadlaan qorshaha Road-mapka ee lagu wado in lagu dhameeyo kala guurka dawlada federaalka ah.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com