Wafti ka socda Midawga Yurub oo Garoowe kula kulmay Madaxda Puntland.

Garoowe, Mar, 30 – M/weyne Faroole ayaa madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka sacday Midawga Yurub.
Waftigaan ka socday midowga Yurub ayaa waxaa hagaaminayey wakiilka midawga yurub u qaabilsan arimaha Soomaliaya Jag mack Andreia waxaana ay Madaxwayne Faroole ka wada hadleen arimo ay ka midyihiin Amaanka,Abaaraha iyo Mashaariic lagu hormarinayo deegaanka,M/wayne Faroole ayaa sheegay midawga Yurub inay ka mid yihiin wadamada xariirka wanaagsan la wadaaga Soomaliya islamarkaasna ay kaalin wayn ka qaataan xalinta dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomaliya.

Dhinaca kale madaxwayne Faroole ayaa sheegay inay ka wada hadleen waftiga ka socda midwga yurub sidii mashaariic hormarineed looga fulin lahaa maamulka Puntland waxaana uu madaxwaynuhu xusay in uu jiro mashruuc ay isla meeldhigeen kaasoo uu sheegay inuu yahay mashruuc balaaran oo looga hortagayo Nabaad’guurka iyo Biyo la’aanta ka jirta deegaamada Puntlan.

Wafaftgaan ayaa intii aysan soo gaarin magaalada Garoowe waxaa ay soo mareen magaalada Muqdisho iyagoo kulan la soo qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxmed Cali Gaas islamarkaana ay ka wada hadleen arimaha Gargaarka iyo sidii ay midowga Yurub dawladda Fereraalak ah uga taageerilahayd dhinacyada hormarinta wadanka,

Diiwaanka Wararka
Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com