Wafti ka socda Dawladda Federaaalka oo gaarey magaalada Kismaayo

Kismaayo, Feb 25- Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Axmed Guuleed waxaa ka mida wasiirada gaashaan-dhigga iyo maaliyadda.


Xubnahaasi ka socda dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kula kulmay maamulka kumeel gaarkaa ee magaalada gacanta ku haya.


Wararka aynu ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in xubnahaasi ujeedkooda socdaal qayb muhiima uu ka yahay xalinta xurguf gacan ka hadal dhalisay oo dhawaan ka dhacday magaalada.


Xubnahaasi ayaa goor dhaw la filayaa inay war ka soo saareen nuxurka ujeedkooda booqasho ee Kismaayo iyo kulamada ay la qaateen maamulka iyo waxgaradka deegaanka.


Waxaa wali hawada ka maqan isgaarsiinta lagu wada hadlo ee magaalada.


Diiwaanka Wararka daljir
Kismaayo
(S)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com