Wafdigii madaxweynaha Puntland oo ku soo wajahan Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo wafdigii uu hogamaaminayay ee ka qayb galay caleema saarkii madaxweyne Axmed Madoobe ayaa goor dhawayd ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo.

wafdiga madaxweynaha ayaa ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha ayaa maalin kadib waxaa lafilayaa in uu Bosaaso u soo gudbo halkaas oo uu maalmahan ka jiray guux siyaasadeed oo dowladda lagu dhaliilayay.

garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa goor dhawayd ka soo degatay diyaarad siday wafdi hor udhac u ahaa siyaasiyiintii ka qayb gashay xafladii caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.
Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com