Wafdigii ka socday dowladda Somaliya iyo Maamulada Jubbaland iyo KG oo dib u laabtay

Sabti, May 02, 2015 (Daljir) —  Madaxweynaha Dawladda Puntalnd Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta OO Taariikhdu tahay 02, May, 2015 Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku sii  sagootiyey Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxmweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam , Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaan iyo weftiyadii ay kala hoggaaminayeen.

Sagootinta Madaxda iyo wefdiyada la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey , Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire , wasiiro , xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan , iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kahor intaanu  kadhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland ayaa waxaa uu  halkaasi salaam sharaf kaga qaatay  cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta dawladda Puntland iyo Kooxda Baanbeyda, iyadoo ay halkaasi ugu diyaarsanaayeen diyaaradihii ay ukala raaci lahaayeen magaalooyinka Muqdisho , iyo Baydhabo.

Sidookalena  Madaxweynaha Maamulka Jubba Axamed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa saacad kadib kaduulay garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe una anbabaxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel-gaadhka ah ee Maamulka Jubba-land.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah oo  maalmihii ugu dambeeyey kusugnaa caasimadda puntland ee Garoowe halkaas oo uu ka socdey shirkii madasha wadatashiga Dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah uuna maanta kasoo baxay war-murtiyeed lagu kala saxiixday qodobbo waxtar weyn u ah masiirka ummadda soomaaliyee

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com