Wafdigi Kasocda Barlamaanka Jabuuti oo Xaflad Sagootin ah loogu sameyeey Muqdisho (dhegayso)

Wafdigi Kasocda Barlamaanka Jabuuti oo Xaflad Sagootin ah loogu sameyeey Muqdisho (dhegayso)

Caasimadda Muqdisho Waxaa Xalay Munaasabad lagu sagootinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo todobaadkaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir,waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigenkiisa Koowaad, Xildhibaano Wasiiro labada Golle ka tirsan iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabada ayaa waxaa Masuuliyiintii ka qeyb gashay ay inta badan daboolka ka qaadeen in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadatay dib-udhiska dalka Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlmaanka ahna ku simha Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtigaan Dhalinyarada Soomaaliyeed fikir qaldan lagu beeray isla markaana dhibaatoyin farabadan ay heestaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com