Wafdi Wakiilka QM iyo Taliyaha Booliska hogaaminayaan oo Gaalkacyo ku wajahan

Wafdi Wakiilka QM iyo Taliyaha Booliska hogaaminayaan oo Gaalkacyo ku wajahan

Gen Bashiir Goobe  iyo wakiilka QM arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedkooda ayaa lagu sheegay u kuur galka ciidamada isku dhafka ah ee ammaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Gaalkacyo ayaa xaaladeeda ammaanka uu ahaa mid soo hagaagayay, iyadoona tan iyo markii xilka madaxwayne ee dalka uu ku guulaystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isbadalo waawayn oo dhanka ammaanka ah la dareemay, ayna yaraadeen isku dhacyadii beelaha.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com