Site icon Radio Daljir

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Amniga soomaaliya oo Garoowe lagu soo dhoweeyey (Daawo/Sawiro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada garoowe ee caasimada puntland .

wafdiga wasiirka waxaa kamid ahaa wasiirada amniga ee dawlada gooboleedyada .

wasiirka amniga puntland axmed cabdulaahi yuusuf ayaa soo dhoweeyey wafdiga . wuxuuna sheegay in ay puntland muhimad weyn ugu fadhido shirweynaha amaanka soomaliya looga tashanayo .

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay inay u yimaadan garoowe shir u furmaya dawalada federaalka wasaaradeeda amaanka iyo wasaaradaha amniga ee dawlad goboleedyada .

shirkan amaanka soomaaliya ee beri ka furmaya garoowe waxaa lagu soo qaadi doonaa sidii laysaga kaashan lahaa arimaha amaanka soomaaliya .

Halkan hoose ka daawo muuqaalka shirka Jaraaid.

Exit mobile version