Wafdi Kasocda IGAD oo Kulamo la Qaatay Madaxda Galmudug ee Khilaafka kadhaxeeyo

Wafdi kasocda urur gobaleedka IGAD ayaa shalay gaaray magaaladda Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ,waxaana ujeedka ugu weyn ahaa xalinta khilaafka siyaasadeed ee xiligan kadhex taagan madaxda sare ee Galmudug.

masuuliyinta IGAD ayaa wararku shegayaan inay kulamo kala duwan la qaateen madaxweynaha xilka ka qadeen Xildhibaanada Galmudug iyo gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Waxaa kamid ahaa madaxda ay la kulmeen wafdiga kasocday IGAD Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi Xareed Cali Xareed iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee deegaanka.

Maanta waxaa la filayaa in wafdiga sido kale iyagana kulamo la qaatan dhinaca kale ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

ugu dambeyn wafdigan ayaa la filayaa in natiijo wanaagsan ka kenaan kulamada gooni goonidaa ah ee ay la qadanayaan madaxda Galmudug ee khilaafku kadhexeeyo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com