Wafdi Kasocda Dowladda Puntland oo Caawa Gaaray Magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag (Warsaxafadeed)

Wafdi Kasocda Dowladda Puntland oo Caawa Gaaray Magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag (Warsaxafadeed)

Magaalada Badhan ee caasimadda gobolka Sanaag ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 12 Nov 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey wefti ka socda dawladda Puntland,

Weftigan oo hordhac u ah wufuud tiro badan oo kusoo waajahan guud ahaan gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxdooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Waftiga ayaa waxaa magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka degmada Badhan, taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga iyo Degaanka.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkoodani shaqo daaran yahay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalka Waftigu uu la xiriiro Kormeer shaqo oo ay ku mari doonaan dhammaan degmooyinka, tuulooyinka iyo degaanada goboladda Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa farogalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland uu ku hayo goboladaasi.

Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa tilmaamay in isaga iyo weftigiisuba ay ka go’an tahay kana midaysan yihiin illaalinta amniga iyo xasiloonida gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana ay maamulka Soomaaliland ka aqbalaynin inay khal-khal geliyaan nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha dhammaan gobolada dawladda Puntland ee xuduudda la leh maamulkaasi Soomaaliland.

Dhinaca kale, Gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland waxaa maalinta beri ku wajahan Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi yuusuf Dawlad, waxaana ka mid ah wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Dekeddaha, waxaa kaloo waftiga ka qayb ah Saraakiil ciidan, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Xukuumadda dawladda Puntland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka go’an ilaalinta xuduudaha dawladda Puntland, nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland, waxaana ay cadeeyeen golaha xukuumadda dawladda Puntland in aysan ka dhici doonin wax doorashooyin u eg oo ka yimaadda dhinaca Somaaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com