Wafdi kasocda dal aan aqoonsi haysan oo tagay Hargaysa

Wafdi kasocda dal aan aqoonsi haysan oo tagay Hargaysa

Wafdi kasocda dalka aan aqoonsiga haysan ee liberland ayaa maanta gaaray magalaada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wafiga oo uu hogaaminayay madaxwaynaha jamhuuriyadda aan la aqoonsan ee Liberland Vít Jedlička ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka hormarka iyo helidda aqoonsi caalami ah.

liberland ayaa ah jaziirad u dhaxaysa dalalka Serbia iyo Croatia, waxaana la aasaasay sanadkii 2015kii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com